Federaalka (1) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda: (a) Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax ka beddel ay kaddibna u gudbiyo golaha Shacabka si uu u oggolaado; (b) Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday. (2) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalku marka uu helo hindise sharci oo qabyo ah, kaas oo Aqalka Sare oggolaadey, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) In uu u oggolaado sharcigaas sida uu ugu soo gudbiyey Aqalka Sare, ka dibna uu u gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu ugu ogolaado, u saxiixo looguna soo saaro faafinta rasmiga; (b) Inuu wax kabeddelo sharcigaas dibna ugu celiyo Aqalka Sare isagoo raacinaya sababaha uu wax ugu beddeley; (c) Inuu diido, dibna uga celiyo Aqalka Sare, isagoo raacinaya sababaha uu u diidey. (3) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaas oo uu wax ka beddeley golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo wax ka beddelidda sharciga qabyada ah, isagoon codayn una gudbiyo Madaxweynaha Dawlada Federaalka si uu u oggolaado, u saxiixo, looguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido wax kabeddelka sharcigaas, kagana gudbo/ku baalmaro go’aanka golaha Shacabka cod aqlabiyad ah oo 2/3 tirada xubnihiisa ah, dibna ugu celiyo golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah. (4) Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu diiday golaha Shacabku, waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu aqbalo diidmada sharcigaas isagoon u codeyn, joojiyana hindaha sharciga qabyada ah; (b) Inuu kaga gudbo/ku-baalmaro diidmada golaha Shacabka cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnaha Aqalka ah, dibna ugu celiyo golaha Shacabka Federaalka ah. (5) Haddii uu golaha Shacabka soo gaaro hindise sharci qabyo ah, kaasoo uu horay wax uga beddelay, isbeddeladdii uu hore u sameeyayna uu Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku aqbalay, waa in uu Hindisahaa Sharci Qabyada ah u diraa Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (6) Haddii golaha shacabka uu soo gaaro Hindise Sharci qabyo ah, kaasoo ay hore wax uga beddeleen ama ay hore u diideen, go’aankooda horena uu baal maray Aqalka Sare, golaha Shacabku wuxuu sameyn karaa arrimahan midkood: (a) In ay ku baal maraan go’aanka Aqalka Sare cod aqlabiyad 2/3 tirada xubnahooda ah, halkaa ayeeyna ku joojin karaan hindisahaa sharci ee qabyada ah; (b) In ay aqbalaan go’aanka Aqalka Sare, ka dibna Hindisahaa Sharci ee qabyada ah u gudbiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, faafinta rasmiga ahna ugu soo saaro. (7) Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan.