← Ku noqo

Qodobka 79aad

Sharci-dejin qabyo ah

(1) Si waafaqsan Dastuurka, habraaca sharci-dejintu waa hindise sharciyeed qabyo ah oo ku saabsan: (a) Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax ka beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan; (b) Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (c) Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda; (d) Dib-u-eegid sharci hore u jirey.

(2) Ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax ka beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(3) Ka-doodidda sharci kasta oo qabyo ah wuxuu ka bilaaban karaa mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.