← Ku noqo

Qodobka 76aad

Go’aan-qaadashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, xubin walba oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ahi waxay yeelaneysaa hal cod.

(2) Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha aqalka.