(1) Sharci qabyo ah oo heer qaran ah, waxaa curin kara: (a) golaha Xukuumadda; ama (b) Ugu yaraan toban
(10) xildhibaan oo ka mid ah xubnaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, marka laga reebo sharci qabyo ah oo la xiriira arrimaha miisaaniyadda sanadlaha ah oo golaha Xukuumadda oo keliyihi curin karo.
(2) Sharciyada qabyada ah waxaa golaha Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah u soo bandhigi kara: (a) Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama (b) guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.