← Ku noqo

Qodobka 71aad

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah: (a) Ka qayb qaadashada wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83; (c) Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83; (d) Ka qayb qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad; (e) Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad; (f) Ka qayb qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan; (g) Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka; (h) Ka qayb qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan; (i) Ka qayb qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan: (i) Xubnaha golaha Adeegga garsoorka; (ii) guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah; (iii) Xubnaha guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka; (iv) Xubnaha guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta; (v) Xubnaha guddiga Xalinta Khilaafaadka.