Baarlamaanka Federaalka
(1) Wasiirradu waxay ka soo qayb geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, iyaga oo aan cod ku lahayn. Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanku Federaalka ah wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.
(2) golaha Aqalka Sare ama guddiyada golaha Baarlamaanka Aqalka Sare waa ay u yeeri karaan Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha golaha Wasiirrada si ay wax uga weydiiyaan arrimaha xilkooda la xiriira.
(3) golaha Baarlamaanka Aqalka Sare ama guddiyadiisu waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.