(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa: (a) Xubinta oo geeriyoota (b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah. (c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado. (d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah. (e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn (f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad Sharciga.
(2) Haddii xubin ka mid ah Baarlamaanka Federaalka lumiso xubinnimadeeda waxaa baddelaya qofka doorashadii hore ku xigey.
(3) Sharciga doorashada ayaa caddaynaya habraaca loo marayo xulashada xubin- sugaha, waana in lagu dhaariyo 30 beri gudohood laga bilaabo maalinta xildhibaanka uu beddelayaa lumiyey xubinnimada Baarlamaanka.