← Ku noqo

Qodobka 70aad

Xasaanadda Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Federaalka

(1) Xildhibaanka Golaha Shacabka dhibaato kama soo gaari karto fikradda ama codka uu ka hor dhiibto golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisa.

(2) Haddii aan laga haysan oggolaansho golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, Xildhibaanka laguma qaadi karo dacwad ciqaabeed; lama xiri karo lamana baari karo qof ahaan, hoygiisa ama meeshii kale ee u gaar ah, haddaan lagu qaban isagoo faraha kula jira dembi sharci ahaan khasab ay tahay in laga soo saaro amar qabasho ah. Sidoo kale haddii aan laga helin oggolaansho golaha Xildhibaanka lama qaban karo, xabsina laguma hayn karo iyadoo la fulinaayo xukun maxkamadeed oo xataa kama dambays ah.

(3) Dacwad aan ahayn mid ciqaabeed Xildhibaanka waa lagu furi karaa, iyadoo aan oggolaansho la weydiisan golaha Shacabka.

(4) Sharci gaar ah ayaa qeexaya xasaanadda Xilidhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

(5) gunnooyinka iyo daryeelka kale ee ay xaqa u leeyihiin Xildhibannada golaha Shacabka waxaa laga bixinaya Khasnadda Dhexe ee Xukuumadda Federaalka. Madaxa Saddexaad: Awoodda Sharci-dejinta iyo Awoodaha Kale Ee Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka