← Ku noqo

Qodobka 63aad

Awoodaha Xeer-dejinta Golaha Shacabka

golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah: (a) Ka-qaybgalka wax ka beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad; (b) Ansixinta, wax ka beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad; (c) Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka; (d) U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax ka beddelidda Dastuurka.