← Ku noqo

Qodobka 69aad

Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

(1) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah: (a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno; (b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo golaha Wasiirrada.

(2) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda: (a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno golaha Shacabka; (b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka; (c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, gudoomiyayaasha guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa; (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee golaha Shacabka 50% +1; (e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisul- Wasaaraha; (f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka; (g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka.