(1) golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo siinaya ka-qaybgal buuxa xubnihiisa.
(2) golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
(3) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xil- saarayaa guddiga qaabilsan, si uu uga soo baaraandego, talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhan yahay ee golaha.
(4) Sharci qabyo ah oo goluhu diidey dib looguma soo celin karo golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon
(30) maalmood maalinta goluhu diidey.
(5) Fadhiyada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo guddiyadiisaba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta Dawladda. Xeer-hoosaadka golaha waa inuu qeexo mararka ay lagama maarmaan noqonayso in golaha Shacabku yeesho fadhiyo ay albaabadu u xiranyihiin.