(1) Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci.
(2) Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah.
(3) Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa guddi wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad.
(4) golaha Shacabka oo keliya ayaa sharci qabyo ah u diri kara Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, una faafiyo si rasmi ah.