← Ku noqo

Qodobka 61aad

Xilka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka

(1) Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto.

(2) Iyada oo oofinaysa waajibaadka ku cad faqradda

(1) ee qodobkan, xubin kasta oo ka mid ah Golaha Shacabka, xil gaar ah ayaa ka saaran matilaadda degaan-codbixiyeyaasha laga soo soo doortay, iyadoon loo eegin siyaasad iyo taageerid xisbiyo kale.

(3) Xubin kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee uu matalayo iyo in uu ilaaliyo nidaamka Federaalka, kuna shaqeeyo dareen iskaashi Federaalnimo.