Xilka sharci-dejinta ee ay wadaagaan labada gole waxaa ka mid ah: (a) Markii loo baahdo Aqalka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka iyo Aqalka Dawladaha Federaalka ka mid ah waxay qabsanayaan fadhiyo wadajir ah, waxaana fadhiyadaa hoggaaminaya guddoomiyaha Aqalka Sare ama xubin kale oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah hadba sida ay xeerka iyo nidaamka aqalladu dhigayaan. (b) Inta uu guddoominayo fadhiyada wadajirka ah, guddoomiyaha Aqalka Sare Federaalka ah, ama guddoomiyaha golaha shacabka ama xubintii kale ee la isla garto in ay guddoonka qabataa, kuma laha wax cod ah arrimaha loo codeynayo, marka laga reebo xaaladda ay cododkii tiro ahaan sinnaadaan. (c) Iyadoo aan wax loo dhimeyn awoodda uu Baarlamaanku ku habeynayo hawlihiisa iyo shaqo- fulintiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waxaa laga yaabaa, marka uu u arko in ay ku haboon tahay, in uu ku codsado/ay ku codsato farriin loo diro labada guddoomiye ee aqallada in la qabto fadhi wadajir ah oo ku saabsan: (i) Dejinta habraacyada haga hawlaha guddiyada isku dhafan ee labada gole; (ii) Dhaqangalinta habraacyada meel-marinta go’aannada ay gaaraan guddiyada isku dhafan; (iii) Wax kabaddalidda iyo dib-u-eegidda Dastuurka si waafaqsan Cutubka 15aad.
← Ku noqo
Qodobka 57aad