← Ku noqo

Qodobka 74aad

Kalfadhiyada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

(1) golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.

(2) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar

(4) bilood.

(3) Xeer-hoosaadka golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada.

(4) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii: (a) Ra’iisul-wasaaraha isugu yeero; (b) guddoomiyaha goluhu isugu yeero; (c) Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba

(2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.