(1) Qofka loo dooranayo xubinnimadda Baarlamaanka Federaalka waa in: (a) Uu yahay Muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhimirkiisu dhan yahay, da’diisuna aanay ka yarayn shan iyo labaatan
(25) sano, codbixiye ahaanna u diiwaangashan; (b) Aan xuquuqdiisa muwaaddinnimo go’aan maxkmadeed lagu hakin shantii
(5) sano ee ugu dambaysey; (c) Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo’aragnimo u dhiganta.
(2) Ka hor inta aan qofka la oggolaan murashaxnimadiisa, guddiga Qaranka ee Madax Bannaan ee Doorashooyinka waa inuu hubiyo in musharraxu buuxiyey shuruudaha ku cad qodobkan.