Federaalka
(1) golaha Shacabka marka la horkeeno handise sharci qabyo ah waxaa u furan inuu sameeyo mid ka mid ah sida soo socota: (a) Inuu u ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama inuu ansixiyo isagoo wax ka beddelay, markaa loo diro Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka si uu u ansaxiyo; (b) In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey.
(2) Marka Aqalka Sare uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo ansixiyay golaha Shacabka, waxaa u furan mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Inuu u ansaxiyo sida golaha Shacabku ugu soo gudbiyay sharcigaas ka dibna dib ugu diro golaha Shacabka; (b) In ay ku sameeyaan wax ka beddel iyagoo sababeynaya isbeddeladaa, dibna ugu diraan golaha Shacabka; (c) In ay diidaan una gudbiyaan golaha Shacabka iyagoo raacinaya sababaha ay u diideen.
(3) Marka golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah oo u soo ansixiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi, waxay u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
(4) Marka golaha Shacabka uu soo gaaro hindise sharci qabyo ah kaasoo uu soo beddelay Aqalka Sare waxaa u furan inuu sameeyo arrimaha soo socda middood: (a) Inuu oggolaado wax ka beddelkaa lagu sameeyay hindisaha sharciga qabyada ah, ka dibna u gudbiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu Saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah; (b) Inuu diido isbeddelada la sameeyay uuna ku baal maro go’aanka Aqalka Sare aqlabiyad 2/3 ah marka la eego tirada guud ee xubnaha aqalka, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.
(5) Marka golaha shacabka uu soo gaaro sharci qabyo ah oo uu soo diiday Aqalka Sare, Aqalkaasi wuxu samyn karaa arrimahan midkood: (a) Inuu uu aqbalo diidmada, sharcigaana uu faraha ka qaado; (b) In uu ku baal maro diidmaddii Aqalka Sare aqlabiya 2/3 ah marka la eego tirade guud ee xubnihiisa, ka dibna uu u diro Madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo, uguna soo saaro faafinta rasmiga ah.