(1) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo ka- qaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.
(2) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.
(3) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee golaha.
(4) Sharci qabyo ah oo goluhu diiday dib looguma soo celin karo golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon
(30) maalmood maalinta goluhu diiday.
(5) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisuba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta Xukuumadda.