Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka, tiradoodana waa ugu badnaan konton iyo afar
(54) Xildhibaan oo ka imaanaya toban iyo sideed
(18) gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, iyada oo saldhig looga dhigayo: (a) Tirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka; (b) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah; (c) Tirada guud ee xubnaha golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu.