← Ku noqo

Qodobka 64aad

Tirada xubnaha Golaha Shacabka

(1) Xubnaha golaha Shacabka waxaa si toos ah, qarsoodi ah, oo madaxbanaani ku dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

(2) Tirada xil-dhibaannada caadiga ah ee golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa Laba boqol shan iyo todobaatan

(275).

(3) Tirada guud ee xubnaha golaha shacabka waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshada.

(4) Qof kasta oo noqda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, marka uu xilka banneeyo, wuxuu noqonayaa xildhibaan golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-ka- qaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurkan, tirada xildhibaanadana dheeraad ayuu ka yahay.