← Ku noqo

Qodobka 55aad

Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka

(1) Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay: (a) golaha Shacabka , iyo (b) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

(2) golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Heerka Qaran.