(1) Sharci maray habraaca ansixinta sharciyada iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Dastuurka.
(2) Sharci maray shuruudaha ku xusan cutubkan waxaa duri kara: (a) golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, asagoo isu dhan ama ergo hal Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ka mid ah; (b) Saddax meelood meel ka mid ah xildhibaannada golaha Shacabka Federaalka; (c) golaha Wasiirrada Federaalka; (d) Ugu yaraan toban kun (10,000) oo cod bixiye oo diiwaangashan.
(3) Duridda sharci si waafaqsan faqradaha 1 iyo 2 ee qodobkan waxaa la horgeyn karaa go’aanna ka gaari karta Maxkamadda Dastuuriga ah oo keliya.
(4) Haddii Maxkamadda Dastuurigu ay jebiso duriddii sharciga, kharajka ku baxay waxaa bixinaaya dhinacii hindisaha duridda Maxkammadda Dastuuriga hor- keenay.
(5) Habraaca loo marayo duridda iyo go’aan-ka-gaarista waa in lagu qeexaa nidaamka garsoorka.