Cutubka 2aad

Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka

Qodobka 10aad - 42aad

Qodobka 10aad

Karaamada Aadanaha

(1) Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa. (2) Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan. (3) Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha.

Done!

Qodobka 11aad

Sinnaanta

(1) Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa. (2) Waa fal takoorid ah haddii natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn. (3) Xukuumadda ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad (4) Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada Xukuumadda sida Shuruuc, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.

Done!

(1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah. (2) Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale. (3) Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xaddidi karaa sida ku xusan Qodobka 38. Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka Iyo Xaddidaadooda

Done!

Qodobka 13aad

Xaqa Nolosha

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay nolol.

Done!

Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa. (2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah: ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan. (3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xad gudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin islamarkaasina aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax oggolaado. (4) gudniinka gabdhaha waa caado naxariis-darro iyo xaqiraad u dhiganta jirdil. gudniinka gabdhaha waa reeban yahay. (5) Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada.

Done!

Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox . Xaqaas waxaa ka mid ah inuu abaabulo ama ka mid noqdo ururro ay ka mid yihiin ururro shaqaale ama xisbiyo siyaasadeed. Wuxuu kaloo xor u yahay in uusan cidna ku biirin, lagumana qasbi karo inuu cid kale ku biiro.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa. (2) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba. (2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Done!

Qodobka 19aad

Xurmada Hoyga

(1) Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis. (2) Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Done!

(1) Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo. (2) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor.

Done!

(1) Muwaaddin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato arrimaha guud ee dadweynaha. Xaqa kan waxaa ka mid ah: (a) Inuu samaysan karo ama ka mid noqon karo xisbi siyaasadeed, kana qayb-qaadan karo hawlihiisa; (b) In xisbi siyaasadeed gudihiisa looga dooran karo jago kasta. (2) Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha sharciga tilmaamayo wuxuu xaq u leeyahay inuu wax doorto, lana doorto. (3) Xuquuqda ku xusan faqradaha (1) iyo (2) ee qodobkan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharci Baarlamaanka Federaalka.

Done!

Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u doorto xirfadda, shaqada ama mihnadda uu rabo.

Done!

Qodobka 24aad

Xiriirka Shaqada

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah. (2) Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb- galo hawlaha ururkaas. (3) Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin. (4) Urur shaqaale, ama loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada . (5) Qof kasta oo shaqaale ah gaar ahaan dumarka waxa ay xaq gaar ah u leeyihiin in laga ilaaliyo faraxumeyn, faquuqid iyo takoorid goobaha shaqada. Sharci kasta shaqaale iyo hab dhaqan kasta waa inuu waafaqsanaadaa sinaanshaha jinsiga ee goobaha shaqada.

Done!

Qodobka 25aad

Deegaanka

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo Deegaanka waxyeello u geysan kara.

Done!

Qodobka 26aad

Hantida

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono. (2) Dawladdu waxay si qasab ah hanti ula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey ama ay maxkamadi go’aamisey.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay biyo nadiif ah uu cabo. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dareyeel caafimaad, cidna lagama hor istaagi karo daryeel caafimaad oo deg deg ah sabab kasta, oo ay kamid tahay awood la’aan dhaqaale. (3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran. (4) Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay Dawladdu ama cid kale ku soo faraggelin. (5) Waa in la hubiyaa in dumarka, dadka da’da, naafada iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale.

Done!

Qodobka 28aad

Daryeelka Qoyska

(1) guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran Dawladda. (2) Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dawladda. (3) Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo deegaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan. (4) Waalidka aan iskii isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin daryeel sharci ah. (5) guur ansaxayaa ma jiro haddaanay si xor ah iyo oggolaansho ninka iyo naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.

Done!

Qodobka 29aad

Caruurta

(1) Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suubban iyo jinsiyad. (2) Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan. (3) Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda. (4) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war- geliyaa xiritaankooda. (5) Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta. (6) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan. (7) Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa. (8) Ereyga “carruur/ubad” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.

Done!

Qodobka 30aad

Waxabarashada

(1) Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah ee ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed. (2) Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa iyo dugsi sare. (3) Xukuumaddu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha. (4) Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsan isla markaana la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxbarashada dalka. (5) Xukuumaddu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed. (6) Xukuumaddu waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangalkiisa. (7) Xukuumaddu waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolojiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista. (8) Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka carruurta dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyada ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.

Done!

Qodobka 31aad

Dhaqanka iyo Afka

(1) Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada. (2) Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo. (3) Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay. (4) Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuqda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay. (3) Baarlamaanka Federaalku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.

Done!

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in go’aammada ka soo fula maamullada ay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah.

Done!

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh. (2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax-bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan-gaaris ah u leh: (a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama (b) Fal-dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogey, ciqaabna lagu mutaysanayo. (3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay. (4) Dawladdu waxay u kafaalo-qaadaysaa dadka aan awood dhaqaale lahayn inay difaac lacag la’aan ah helaan. (5) Dawladdu waxay u damaanad qaadaysaa difaac lacag la’aan ah shaqsiyaadka, bulshooyinka marka ay si sharci ah ay ugu raadinayaan danta guud.

Done!

Qodobka 35aad

Xuquuqda Eedaysanaha

(1) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto. (2) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo. (3) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa. (4) Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig loogama dhigi karo qiraal lagu qasbay. (5) Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. (6) Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay Xukuumaddu u qabato. (7) Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah. (8) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa. (9) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah. (10) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo. (11) Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waana in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa. (12) Mas’uuliyada ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale. (13) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawliga ah.

Done!

(1) Isucelinta eedeysanayaasha iyo dembiilayaasha waxaa lagu oggolaan karaa oo keliya si waafaqsan sharciga, iyo in uu jiro heshiis isu-celin ah oo ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhinac ka tahay iyo heshiis caalami ah oo ku waajibinaya Dawladda Federaalka Soomaaliyeed celinta eedaysanaha ama dembiilaha. (2) Isucelinta eedaysanaha iyo dembiilaha waa in ay ahaataa mid waafaqasan dhaqanka iyo qaanuunka caalamiga ah, waana in Baarlamaanka Federaalka ah soo saaraa sharciga lagu maamulayo isucelinta dembiilayaasha.

Done!

(1) Qof kasta oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab. (2) Baarlamaanka Federaalka ihi waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.

Done!

Qodobka 38aad

Xaddidaadda Xuquuqda

(1) Xuquuqda lagu sheegay Cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo. (2) Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama waxaaba si gaar ah loogu asteeyay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay mid si cad u maangal ah ama kuwo la aqbali karo oo waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka. (3) Marka go’aan laga gaarayo in xaddididda xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in dhammaan arrimaha xaddeyntan khuseeya xisaabta lagu darsadaa. (4) Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; haddii xaddididdaasi u habboon tahay in lagu gaaro ujeeddada ama haddii isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas. (5) Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda deg degga waxaa lagu sheegay Cutubka 14aad, Qodobka 131aad.

Done!

(1) Sharcigu waa in uu qeexaa habraac habboon oo lagu saxayo xadgudubyada xaquuqda Aadanaha. (2) Sixidda xadgudubyadaas waa in lagu helaa maxkamad ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan. (3) Qof ama urur kastaa wuu tegi karaa maxkamad, si uu u difaaco xuquuqda dadka kale ee aan awoodin in ay iskood isu difaacaan.

Done!

(1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin. (2) Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda. (3) Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama xeer-beegti waa in ay tixgelisaa muhiimmada qodobbada Cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobbadaasi. (4) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.

Done!

(1) Baarlamaanka Federaalka ihi waa inuu dhisaa guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa. (2) Hawlaha guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda Aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda Aadanaha; dabagelidda xuquuqda Aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha. Madaxa Saddexaad: Waajibaadka Muwaadinka

Done!

Qodobka 42aad

Waajibaadka Muwaaddinka

(1) Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka . (2) Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah in uu: (a) noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa; (b) ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay; (c) horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo; (d) dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale; (e) horumariyo mabda’a isla-xisaabtanka iyo talinta sharciga; (f) noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka; (g) ku dedaalo/ku dedaasho codbixinta xilliyada doorashada; (h) noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga; (i) difaaco dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Done!