(1) Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa. (2) Waa fal takoorid ah haddii natiijadiisu noqoto is-hortaag ama ciriirigelin xaqa qofka, xataa haddii falka si ulakac ah aan loo samayn. (3) Xukuumadda ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad (4) Waa in aan loo arkin fal takoorid ah barnaamijyada Xukuumadda sida Shuruuc, hab siyaasadeed iyo hab maamul ee loo qorsheeyey in sinnaan buuxda lagu gaarsiiyo dad ama kooxo horay loogu geystey takoorid ama ku sugan xaalad dib-u-dhacsan.