(1) Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
(2) Karaamada Aadanaha waa laguma-xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.
(3) Awoodda Dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin meel-uga-dhicid karaamada Aadanaha.