← Ku noqo

Qodobka 24aad

Xiriirka Shaqada

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah.

(2) Qof kasta oo shaqaale ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu abuuro, kuna biiro urur shaqaale, kana qayb- galo hawlaha ururkaas.

(3) Shaqaale kastaa wuxuu xaq u leeyahay shaqo-joojin.

(4) Urur shaqaale, ama loo-shaqeeyayaasha amase loo-shaqeeyaha waxay xaq u leeyihiin inay galaan gorgortan-wadareed ku saabsan arrimaha shaqada .

(5) Qof kasta oo shaqaale ah gaar ahaan dumarka waxa ay xaq gaar ah u leeyihiin in laga ilaaliyo faraxumeyn, faquuqid iyo takoorid goobaha shaqada. Sharci kasta shaqaale iyo hab dhaqan kasta waa inuu waafaqsanaadaa sinaanshaha jinsiga ee goobaha shaqada.