(1) Sida Diinta Islaamku qabto, caddaaladda waxay ku jirtaa isu-dheellitirnaanta xuquuqda iyo waajibaadka .
(2) Ku-dhaqanka sinnaanta, xorriyaadka iyo xuquuqda lagama sooci karo waajibaadka. Sidaas darteed, muwaaddin kasta waxaa waajib ku ah in uu: (a) noqdo waddani daacad u ah horumarinta iyo wanaagga dalkiisa; (b) ka qayb-qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska, wanaagga guud iyo in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka iyo bulshada uu la nool yahay; (c) horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo; (d) dhiiriggeliyo midnimada qaranka, isaga oo kaashanaya muwaaddiniinta kale; (e) horumariyo mabda’a isla-xisaabtanka iyo talinta sharciga; (f) noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka, si daacad ahna uu u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka; (g) ku dedaalo/ku dedaasho codbixinta xilliyada doorashada; (h) noqdo canshuur-bixiye wanaagsan, si uu uga qayb-qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed iyo sharciga; (i) difaaco dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.