(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.
(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.