← Ku noqo

Qodobka 32aad

Xaqa Helidda Macluumaadka

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu helo macluumaadka ay Dawladdu hayso.

(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay helitaanka macluumaadka ay cid kale hayso oo loogu baahan yahay in lagu fuliyo ama lagu ilaaliyo xuquuq kastoo kale oo daw loo leeyahay.

(3) Baarlamaanka Federaalku waa in uu soo saaraa sharci lagu hirgelinayo xaqa macluumaad helidda.