← Ku noqo

Qodobka 38aad

Xaddidaadda Xuquuqda

(1) Xuquuqda lagu sheegay Cutubkan waxaa xaddidi kara sharciga, haddii sharcigaasi uusan si gaar ah u bar-tilmaameedsanayn shakhsiyaad ama kooxo.

(2) Xuquuqdan waxaa xaddidaya sharciga, ama waxaaba si gaar ah loogu asteeyay cutubkan, waase haddii xaddidaaddaasi ay tahay mid si cad u maangal ah ama kuwo la aqbali karo oo waafaqsan qiyamka lagu qeexay Dastuurka.

(3) Marka go’aan laga gaarayo in xaddididda xuquuqdu ay noqoto mid la aqbali karo oo maangal ah, waa in dhammaan arrimaha xaddeyntan khuseeya xisaabta lagu darsadaa.

(4) Arrimaha la xiriira waxaa ka mid ah dabeecadda iyo ahmiyadda xuquuqda la xaddidey iyo muhimmadda ujeeddo la rabo in lagu gaaro xaddidaadda; haddii xaddididdaasi u habboon tahay in lagu gaaro ujeeddada ama haddii isla ujeeddadaas lagu gaari karaayey iyadoo aan la xaddidin xuquuqdaas.

(5) Xaddididda suurtogalka ah ee xuquuqda asaasiga ah ee muwaaddinka xilliga xaaladda deg degga waxaa lagu sheegay Cutubka 14aad, Qodobka 131aad.