← Ku noqo

Qodobka 15aad

Xorriyadda iyo Nabadgelinta Qofnimada

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa.

(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay amaan shaqsiyadeed waxaa ka mid ah: ka-reebanaan xarig aan sharciga waafaqsaneyn, waxaa kaloo xorriyadda qofnimo ka mid ah ka-reebanaan wax kasta oo cunfi ah, oo ay ka mid tahay wax kasta oo cunfi ah oo lagula kaco haweenka. Qofna looma geysan karo jirdil, fal bini’aadantinamada ka baxsan.

(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay badqabka jirkiisa waana laguma xad gudbaan. Qofna laguma qasbi karo in lagu sameeyo tijaabo takhtareed ama mid cilmibaariseed, haddii qofka ama xigtadiisa dhowi aynan oggolaanin islamarkaasina aysan jirin talo uu bixiyey xeeldheere caafimaad marka uusan qofku sharciyan awood u lahayn inuu wax oggolaado.

(4) gudniinka gabdhaha waa caado naxariis-darro iyo xaqiraad u dhiganta jirdil. gudniinka gabdhaha waa reeban yahay.

(5) Soo rididda ilmuhu waa arrin ka soo horjeedda Shareecada Islaamka, waana reebban tahay, haddii aan ka ahayn xaalad caafimaad aan looga maarmin badbaadinta nolosha hooyada.