(1) guurku waa aasaaska qoyska oo ah saldhigga bulshada, ilaalintiisuna waa waajib sharci ah oo saaran Dawladda.
(2) Daryeelka Hooyada iyo Dhallaanka waa waajib saaran Dawladda.
(3) Ubadku wuxuu waalidkiis xaq ugu leeyahay xannaano ay ka mid tahay waxbarasho iyo barbaarin. Haddiise xannaanadaas uu ka waayo deegaanka qoyskiisa waa in loo yeelo cid kale oo daryeesha. Isla xuquuqdan oo kale ayay leeyihiin carruurta dariiq-joogga ah iyo kuwa aan waalidkood la aqoonnin, Dawladda ayaana si gaar ah ugu xilsaaran inay xuquuqdooda ilaaliso, si buuxdana ay u helaan.
(4) Waalidka aan iskii isugu filnayn wuxuu ubadkiisa qaangaarka ah xaq ugu leeyihiin daryeel sharci ah.
(5) guur ansaxayaa ma jiro haddaanay si xor ah iyo oggolaansho ninka iyo naagta ka timid jirin. Labaduba waa inay gaareen da’da guurka.