(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda u leh.
(2) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu helo garsoor madax-bannaan, caaddil ah, aan eex lahayn, laguna qaadayo maxkamad dadweynaha u furan, laguna galo waqti macquul ah, ama golihii kale ee awood go’aan-gaaris ah u leh: (a) Arrin kastoo ku saabsan xuquuqda iyo waajibaadka madaniga; ama (b) Fal-dembiyeed kasta oo kale lagu soo oogey, ciqaabna lagu mutaysanayo.
(3) Qof kasta wuxuu xaq u leeyahey inuu iska difaaco dacwadda uu danaynayo, heer iyo darajo kasta oo ay taagan tahay.
(4) Dawladdu waxay u kafaalo-qaadaysaa dadka aan awood dhaqaale lahayn inay difaac lacag la’aan ah helaan.
(5) Dawladdu waxay u damaanad qaadaysaa difaac lacag la’aan ah shaqsiyaadka, bulshooyinka marka ay si sharci ah ay ugu raadinayaan danta guud.