← Ku noqo

Qodobka 37aad

Qaxootiga iyo Magangelyada

(1) Qof kasta oo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku soo gala qaxootinnimo wuxuu xaq u leeyahay in aan dib loo celin ama aan loo qaadin dal kale, haddii ay jirto cabsi muuqata oo ah in uu la kulmayo ciqaab.

(2) Baarlamaanka Federaalka ihi waa in uu soo saaraa sharci waafaqsan qaanuunka caalamiga ah; kaas oo nidaaminaya qaxootiga ama magangelyo-doonka.