← Ku noqo

Qodobka 29aad

Caruurta

(1) Ubad kastaa markuu dhasho wuxuu xaq u leeyahay inuu helo magac suubban iyo jinsiyad.

(2) Ubad kastaa wuxuu xaq u leeyahay in laga ilaaliyo dhaqanxumo, dayacaad, xadgudub ama liiditaan.

(3) Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda.

(4) Carruurta waxaa la xiri karaa oo keliya muddo gaaban markii la waayo xal kale, lagumana hayn karo dadka waaweyn dhexdooda marka laga reebo xigtada ugu dhow, waana in lagu hayaa xaalado ku habboon. Xigtada ugu dhow carruurta waa in sida ugu dhaqsaha badan oo suurtogal ah loo war- geliyaa xiritaankooda.

(5) Ubadku waxay xaq u leeyihiin inay helaan kaalmo qareennimo oo kharajkeeda ay Dawladdu bixiso, si ay uga badbaadaan dacwad kasta oo caddaalad-darro u keeni karta.

(6) Carruurtu waxay xaq u leeyihiin in laga ilaaliyo, loona adeegsan dagaallada hubaysan.

(7) Danta carruurta ayaa mar walba mudnaan leh markay joogto arrin kasta oo maslaxaddooda khusaysa.

(8) Ereyga “carruur/ubad” ee qodobkan ku xusan waxaa looga jeedaa qof da’diisu ka yar tahay 18-jir.