← Ku noqo

Qodobka 26aad

Hantida

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama iska wareejiyo markuu doono.

(2) Dawladdu waxay si qasab ah hanti ula wareegi kartaa marka ay jirto dan guud. Qof kasta oo hantidiisa dan guud awgeed loola wareegey wuxuu Dawladda xaq ugu leeyahay magdhaw caaddil ah oo lagu heshiiyey ama ay maxkamadi go’aamisey.