(1) Eedaysanuhu wuxuu la mid yahay qof barii’ ah oo aan dembi gelin ilaa maxkamadi si kama-dambays ah ugu caddayso dembiga loo haysto.
(2) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in isla markiiba la ogeysiiyaa dembiga lagu tuhunsan yahay, looguna sheegaa af uu garanayo.
(3) Qof kasta oo xorriyaddiisa shakhsiga ah laga qaado waa in xaaladdiisa la gaarsiiyo qoyskiisa ama eheladiisa.
(4) Qofna laguma qasbi karo dembi-qirasho, xukunkiisana saldhig loogama dhigi karo qiraal lagu qasbay.
(5) Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac gudahooda lagu horgeeyo maxkamad awood u leh.
(6) Qof kasta oo la xiraa wuxuu xaq u leeyahay in uu qabsado qareen difaaca, haddii uusan awood u lahaynna ay Xukuumaddu u qabato.
(7) Qof kasta oo maxkamad lagu soo taagey tuhun fal dembi-ciqaabeed waxa uu xaq u leeyahay garsoor caaddil ah.
(8) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado dacwaddiisa.
(9) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu iska difaaco caddaymaha la soo hordhigay ee lidka ku ah.
(10) Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in loo qabto turjubaan haddii uusan garanayn afka maxkamadda laga isticmaalayo.
(11) Eedeysanaha laguma hayn karo goob aan sharcigu bannayn, waana in loo oggolaado booqashada eheladiisa, takhtarkiisa iyo qareenkiisa.
(12) Mas’uuliyada ciqaabtu waa shakhsi, qofna looma ciqaabi karo fal-dembiyeed uu galay qof kale.
(13) Qofna looma ciqaabi karo fal markii uu ku kacay uusan sharcigu dembi u aqoonsaneyn, haddii uusan ahayn dembi ka soo horjeeda banii’aadaminnimada, laguna caddeeyey qawaaniinta dawliga ah.