← Ku noqo

Qodobka 27aad

Dhaqaalaha iyo Xuquuqda Bulshada

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay biyo nadiif ah uu cabo.

(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo dareyeel caafimaad, cidna lagama hor istaagi karo daryeel caafimaad oo deg deg ah sabab kasta, oo ay kamid tahay awood la’aan dhaqaale.

(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay daryeel bulsho oo dhammaystiran.

(4) Xuquuqada lagu aqoonsaday qodobkan waxaa ka mid ah xaqa qof kastaa uu u leeyahay inuu si sharciga waafaqsan u ilaashado, raadsado, si buuxdana xuquuqdaas u gaaro, iyadoo aanay Dawladdu ama cid kale ku soo faraggelin.

(5) Waa in la hubiyaa in dumarka, dadka da’da, naafada iyo dadka laga tiro badan yahay oo taariikhiyan latakoori jiray inay helaan kaalmo gaar ah si ay ugaaraan xuquuqdooda dhaqan – dhaqaale.