← Ku noqo

Qodobka 40aad

Fasiraadda Xuquuqda Asaasiga ah

(1) Marka la fasiraayo xuquuqda ku xusan qaybtan waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin.

(2) Fasiraadda xuquuqdan waxay maxkamaddu tixgelineysaa Shareecada, qaanuunka caalamiga ah iyo go’aannada maxkamadaha dalal kale, inkasta oo ayan qasab ku ahayn inay raacdo go’aannadooda.

(3) Marka guud ahaan sharci la fasiraayo ama la dhaqan-gelinaayo, maxkamad kasta ama xeer-beegti waa in ay tixgelisaa muhiimmada qodobbada Cutubkan, intii suurtagal ahna go’aannadooda ka dhigaan kuwo la socon kara qodobbadaasi.

(4) Xuquuqda asaasiga ah ee ku xusan Cutubkan kama hor-imaaan karaan xuquuqda kale ee Shareecada Islaamku jideysey iyo xeer-dhaqameedka la jaanqaadi kara Shareecada iyo Dastuurka.