← Ku noqo

Qodobka 25aad

Deegaanka

(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo Deegaan aan waxyeello u lahayn caafimaadkiisa iyo baraarihiisa nololeed oo laga ilaaliyey wasakhda iyo waxyaalaha halista ah.

(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu wax ka helo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, iyadoo laga ilaalinaayo ka faa’ideysi xad-dhaaf ah oo Deegaanka waxyeello u geysan kara.