(1) Waxbarashadu waa xuquuq aasaasiga ah ee ay leeyihiin dhammaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed.
(2) Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah ilaa iyo dugsi sare.
(3) Xukuumaddu waxay mudnaan siinaysaa horumarinta, baahinta iyo fidinta waxbarashada dadweynaha.
(4) Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, machadyada iyo jaamacadaha si sharciga waafaqsan isla markaana la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxbarashada dalka.
(5) Xukuumaddu waxay dhiirigelineysaa sare-u-qaadidda cilmi-baarista, hal-abuurka iyo farshaxanka, horumarinta ciyaaraha hiddaha & dhaqanka, isboortiga iyo dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed.
(6) Xukuumaddu waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgelinaysaa manhaj midaysan, waxayna hubinaysaa dhaqangalkiisa.
(7) Xukuumaddu waxay kobcinaysaa waxbarashada sare, machadyada farsamada, tiknoolojiyadda iyo xarumaha cilmi-baarista.
(8) Waxaa qasab ah in la baro diinta Islaamka carruurta dugsiyada Dawladda iyo kuwa gaarka ah. Arrimmahan laguma dabaqi karo dugsiyada ay leeyihiin dadka aan Muslimka ahayn.