← Ku noqo

Qodobka 19aad

Xurmada Hoyga

(1) Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.

(2) Waxaa waajib ah in amarka garsooraha si toos ah loogu akhriyo degganaha hoyga, baarahana waxaa ka reeban ku xadgudubka sharciga.