(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
(2) Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.
(3) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed, xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.