(1) Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda lagu aqoonsaday qaybtan waa in la dhowraa marka kasta oo sharci la dejinayo lana fulinayo. Sidoo kale, qof kasta, hay’adaha Dawladda ee heer kasta iyo hay’adaha gaarka ah iyo saraakiisha Dawladdu marka ay gudanayaan xilkooda waa in ay ilaaliyaan xuquuqda aasaasiga ah.
(2) Waajibaadka Dawladdu kuma koobna in ay dhawrto xuquuqda dadka, balse waa in ay qaaddo tallaabooyin maangal ah oo lagu ilaalinayo in xadgudub uga yimaado cid kale.
(3) Xuquuqda lagu aqoonsaday cutubkan sharci uun baa lagu xaddidi karaa sida ku xusan Qodobka 38. Madaxa Labaad: Xuquuqda, Xorriyaadka Aasaasiga Ah Ee Qofka Iyo Xaddidaadooda