← Ku noqo

Qodobka 21aad

Xorriyadda Isu-socodka iyo Degitaanka

(1) Qof kasta oo si sharci ah ku deggan dhulka Jamhuuriyaddu wuxuu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo.

(2) Muwaaddin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo-gelidda iyo joogitaanka waddanka iyo inuu helo Baasabboor.