← Ku noqo

Qodobka 41aad

Guddiga Xuquuqda Aadanaha

(1) Baarlamaanka Federaalka ihi waa inuu dhisaa guddi Xuquuqda Aadanaha u qaybsan oo ka madax bannaan maamulka Dawladda, lehna ilo dhaqaale oo uu si habsami leh ugu fuliyo hawlihiisa.

(2) Hawlaha guddiga Xuquuqda Aadanaha waa in ay ku jiraan horumarinta aqoonta xuquuqda Aadanaha iyo, gaar ahaan, Shareecada, asaga oo u dejinaaya halbeegyada dhaqangelinta lagu hirgelinaayo waajibaadka xuquuqda Aadanaha; dabagelidda xuquuqda Aadanaha ee dalka gudihiisa iyo baarista eedaha la xiriira xuquuqda aadanaha. Madaxa Saddexaad: Waajibaadka Muwaadinka