(1) Dawladdu waa in ay horumarisaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ku dedaaleysa in ay bulshada ka suuliso caadooyinka haraaga ah iyo kuwa dhowaan-soo-baxa ah ee wax u dhimaya midnimada, ilbaxnimada iyo caafimaadka bulshada.
(2) Dawladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa, kaydisaa waxyaabaha iyo xarumaha taariikhiga ah ee dalka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.
(3) Dawladdu waa in ay horumarisaa dhaqammada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay.
(4) Xuquuqda qodobkan ku xusan waa in loogu dhaqmaa si waafaqsan xuquuqda asaasiga ah ee Dastuurkan lagu aqoonsaday.