Soomaaliya Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah: (a) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga. (b) waa Taliyaha guud ee Ciidammada Qalabka Sida. (c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan golaha Wasiirradu,. (d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1). (e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad. (f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo. (g) Wuxuu furaa golaha Shacabka. (h) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee golaha Shacabka sanadkiiba mar. (i) Wuxuu la hadli karaa golaha Shacabka mar kasta oo kale. (j) Wuxuu magacaabaa guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta guddiga Adeegga garsoorka ka dib. (k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo golaha Wasiirradu. (l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu golaha Wasiirradu soo jeediyo. (m) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye. (n) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu golaha Wasiirradu soo jeediyo. (o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan. (p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga garsoorka. (q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii golaha Wasiirrada soo jeediyo, golaha Shacabkuna ansixiyo.