(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa in ay doortaan labada gole ee Baarlamaanka oo wada fadhiya, waxaana guddoominaya fadhigaa guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.
(2) Ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.
(3) Waa in ay murashaxnimadiisa u soo jeediyaan fadhiga labada gole ee Baarlamaanka ugu yaraan labaatan
(20) xildhibaan golaha Shacabka ah ama ugu yaaraan hal
(1) Dawlad goboleed.
(4) Xubnaha golaha Aqalka Sare markii ay u codeynayaan dorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka wuxuu qof kasta leeyahay hal cod.
(5) Murashax Madaxweyne oo kasta waa in uu murashaxnimadiisa gaarsiiyaa Baarlamaanka Federaalka waana in uu barnamijkiisa doorashada u soo bandhigaa Baarlamaanka Federaalka, oo markaa ka dib dooranaya isaga oo la raacaya geeddi-socodkan: (a) Codeynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka waa qarsoodi; (b) Labada gole ee Barlaamanka Federaalka waxay Madaxweyne u dooranayaan murashaxa ku guleeysta aqlabiyad seddax meelood laba, tirada guud ee xubnaha Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah; (c) Haddii murashax ku guuleeysan waayo waxaa codayn labaad loo qaadayaa afarta murashax ee ugu cod badan waxaana ku guleeysanayaa Madaxweyninimada Jamhuuriyadda Federaalka murashaxa hela aqlabiyad ah seddax meelood laba codadka tirada guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah; (d) Haddii murashaxna ku guleeysan waayo codbixinta wareegga laabad waxaa codbixin wareeg seddaxaad loo qaadayaa labada murashax ee ugu cod badan waxaana Madaxweynennimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku guuleysanaaya murashaxa hela tirada ugu badan ee codadka guud ee xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka.