Soomaaliya
(1) Haddii uu bannaanaado xafiiska Madaxweyne, waxaa qabanaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo Madaxweyne cusub muddo aan ka badnayn soddon
(30) maalmood gudahood.
(2) Haddii Madaxweynaha uu ku dhaco xanuun aan ka-raysasho lahayn mudo ka badan sadddex bilood oo ay caddeeyeen xeeldheereyaal caafimaad waxaa sharciyan bannaanaanaya xilka xafiiska Madaxweynaha.
(3) Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka beddelaya Madaxweyne mansabkiisi bannaanaaday sida ku xusan farqadda
(2) ee qodobkan waxaa loo maraya habraaca doorashada Madaxweynaha ku xusan ee Qodobk a 89aad ee Dastuurka.
(4) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka lagu doorto si waafaqsan faqradda
(3) ee Qodobkan wuxuu dhamaystiraya muddada xilhaynta ee u harsanayd Madaxweynihii ka horeeyey.