(1) Haddii Madaxweynuhu ka maqan yahay dalka ama caafimaad-darro ama sabab kasta oo kale darteed uusan awoodin inuu guto xilkiisa, guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa xilkiisa sii qabanaya ilaa inta uu Madaxweynuhu xilkiisa dib ugu soo noqonayo.
(2) Ku-xigeenka koowaad ee guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa si kumeel gaar ah u haynaya Xilka guddoomiyaha Baarlamaanka inta uu guddoomiyaha Baarlamaanku sii hayo xilka Madaxweyninimo.